Waxaa maanta xilalkooda loo dhaariyay guddoomiyaasha ismaamullada Kakamega iyo Mombasa ee kala ah Fernandes Barasa iyo Cabdulswamad Shariif Nassir .
Labadan mas’uul ayaa la doortay 29-kii bishii hore maadaama u codeyntooda la dib dhigay.
Waxaa sidoo kale la dhaariyay ku xigeenadooda oo kala ah Francis Thoya iyo Ayub Savula.
Barasaabka cusub ee Mombasa iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa dhaariyay garsoore George Dulu iyadoo howshaasi ay guddoominaysay garsooraha sare ee Mombasa Martha Mutuku.
Nassir iyo Thoya oo matalaya xisbiga ODM ayaa xilalkan ku guulaystay ka dib markii doorashadii guud ee bishii hore ay ka soo hooyeen codad gaaraya 119,083 halka Xasan Cumar iyo Selina Maitha oo ku xigeen u ahayd kana tirsan xisbiga UDA ay heleen codad gaaraya 98,105.
Guddoomiyaasha 45-da ismaamul ee kale iyo ku xigeenadooda ayaa la dhaariyay 25-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan .