Barasaabka Nairobi oo guddi u saaray arrimaha caafimaadka

0
330

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa soo magacaabay guddi dib u eegis ku sameyn doono isbeddelo ku aaddan waaxda caafimaadka ee caasimadda dalka.
Waxaa guddigan hoggaamin doonto Prof. Olive Mugenda .
Xubnaha guddigan oo ka kooban Siddeed waxaa ka mid ah xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda caafimaadka Mercy Mwangangi, xoghayaha dowladda ismaamulka Nairobi Jairus Musumba,Dr. Anastacia Nyalita, Dr. Githinji Gitahi, Dorcas Kemunto, Dr. Mercy Mwangangi, Dr. William Fryda iyo Karei Mwenda .
Guddigan ayaa qiimeyn ku sameyn doono xaaladaha dhammaan isbitaallada dowladda ee ku yaalla ismaamulka Nairobi .
Waxay dib u eegis ku sameyn doonaan tirada iyo kartida shaqaalaha, sidoo kale qaybinta daawooyinka iyo agabyada caafimaad.
Xubnaha guddigan ayaa loo xil saaray inay qiimeeyaan hannaanka maareynta macluumaadka caafimaad oo ayna soo jeediyaan nidaam waxtar leh oo maaliyadeed.
Johnson Sakaja ayaa sheegay in guddigan uu warbixin ka guddoomi doono 45 cisho gudahooda .
Tallaabada uu qaaday barasaabka ismaamulka Nairobi ayaa ku soo aadaysa maalmo un ka dib markii uu socdaal ku tagay isbitaalka Mama Lucy Kibaki halkaasoo uu ku soo arkay dhibaatooyin haysta shacabka raadsanaya daryeelka caafimaad.