Wararka naga soo gaaraya ismaamullada Kisii iyo Meru ayaa sheegaya in gaadiidleyda halkaasi ka howlgalo ay kordhiyeen qiimaha lagu raaco baabuurta.
Waxay tani u aaneeyeen inuu sare u kacay qiimaha lagu iibsado noocyada kala duwan ee shidaalka.
Shacabka Machakos ayaa dhankooda arrintan walaac ka muujiyay waxayna madaxweynaha cusub ee dalka William Ruto ka codsadeen inuu ka shaqeeyo sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha shidaalka.
Tani ayaa timid ka dib markii dowladda dhexe ay meesha ka saartay miisaaniyad ay ku kaabeysay maareynta adeegyada tamarta iyo shidaalka.
Ismaamulka Nairobi , halkii liitar ee batroolka ayaa lagu iibinaya lacag dhan 179.30 shilin iyadoo horay qiimihiisu uu ahaa 159.12 shilin marka la eego dib u eegistii ugu dambeysay ee la sameeyay.
Maamulka maareeya adeegyada tamarta iyo batroolka dalka ee EPRA ayaa sheegay in laga billaabo maanta halkii liitar ee naaftada lagu iibinaya 165 shilin in kastoo horay uu ahaa 140.
Sidoo kale halkii liitar ee nooca shidaalka ee Kerosene ayay gaadiidleyda ku heli doonaan 147. 94 shilin waxaana horay la iibinayay lacag dhan 127.94 shilin.
Talaadadii ayay ahayd markii madaxweyne William Ruto uu shaaciyay in dowladda dhexe aynan miisaaniyad ku kaabi karin waaxdan maadaama taasi aynan suurtagal ahayn marka la eego howlaha maaliyadda ee dowladda.