Guddoomiyaha aqalka sare oo gaaray dalka Angola si uu u matalo madaxweyne Ruto

0
331

Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Amason Jeffa Kingi ayaa saaka gaaray caasimadda Luanda ee wadanka Angola.
Waxaa uu Amason Kingi madaxweynaha dalka William Ruto ku matali doona xafladda dhaarinta madaxweynaha la doortay ee Angola Joao Lourenco.
Afhayeenka aqalka sare ee dalka ayaa halkaasi waxa saaka ku soo dhaweeyay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Angola Tete Antonio.
Madaxweynaha Angola Lourenco ayaa lagu wadaa in mar labaad maanta xilkaasi loo dhaariyo, iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay, ka dib markii lagu murmay doorashadii dalkaasi ka dhacday bishii hore.
Waxaa la filayaa in dhaarintiisa ay ka soo qaybgalaan madax kala duwan oo ku jiro madaxweynaha dalka Portugal Marcelo Rebelo de Sousa.