Madaxweynaha cusub ee dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ayaa labaduba maanta la mariyay labo dhaarasho.
William Ruto ayaa ugu horreyn ku dhaartay inuu ilaalin doono dastuurka , madax bannaanida , hufnaanta iyo sharafta Kenya .
Sidoo kale waxaa uu maray dhaar labaad oo ahayd inuu waajibaadkiisa shaqo u gudan doono si caddaalad ah oo waafaqsan xeerarka wadanka isagoo aanan cidna u eexanayn , u daneynayn ama si niyad-xumo ku saleysan ula dhaqmayn.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigath Gachagua ayaa isna maray dhaarasho ah inuu dastuurka ilaalin doono sidoo kalena uu ka soo bixi doono waajibaadkiisa la talinta madaxweynaha iyo fulinta shaqooyinka uu u igmado.
Intaasi ka dib waxay saxiixeen qoraalka waxyaabaha ay ku dhaarteen iyagoo si wadajir ah loo guddoonsiiyay shahaadada caleema saarka.
Uhuru Kenyatta oo wadanka soo hoggaaminayay tan iyo sanadkii 2013-kii ayaa talada dalka si rasmi ah ugu wareejiyay madaxweynaha beddelay horayna ku xigeen ugu soo noqday William Ruto.