Saraakiisha dambi baarista ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah howlwadeennada maamulka ay dowladda dhexe u xilsaartay bixinta qaar ka mid ah adeegyada bulshada ee Nairobi ee NMS.
Waxaa loo haystaa inuu qof shacab ah ka dalbaday inuu siiyo lacag laaluush oo uu qiimaheedu yahay 400,000 .
EACC ayaa magaca sarkaalka la xiray ku sheegtay Daniel Omido.
Qofka shacabka ah ayaa doonayay in loo ansaxiyo codsi uu ku gudbiyay qaab online ah.
Waxaa eedeysanaha la geeyay oo uu hadda ku sugan yahay xarunta dhexe ee guddiga EACC ee magaaladatani Nairobi ka hor inta aan dacwad lagu soo oogin.
EACC has this evening arrested Mr. Daniel Omido of Nairobi Metropolitan Services (NMS) for demanding KES.400,000 bribe from a citizen in order to approve an online application in the service portal. He has been escorted to EACC Integrity Centre Police Station for processing. pic.twitter.com/iMTo0VvuQc
— EACC (@EACCKenya) September 12, 2022