Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in ciidamada difaaca ee wadankaasi ay dib ula wareegeen dhul isku wareeg ahaan gaaraya 6,000 oo kiilomitir.
Dhulkan ayaa waxaa horay Ukraine uga qabsatay dowladda Ruushka.
Hoggaamiyaha Ukraine ayaa horumarka ay sameeyeen ciidamadiisa ku tilmaamay guul darradii ugu waynayd ee soo gaartay xukuumadda Moscow tan iyo markii ay dalkaasi ku duushay 24-kii bishii labaad ee sanadkan.