James Orengo: Go’aankii maxkamadda sare ku tageertay guusha Ruto ma ahayn xukun maxkamadeed

0
424

Barasaabka ismaamulka Siaya James Orengo ayaa sheegay in go’aankii maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ku taageertay guushii William Ruto aysan ahayn xukun maxkamadeed.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in go’aankaasi uu ahaa cadaalad darro weyn oo la sameeyay.
“Qofka qoray xukunkaas wuxuu sameeyay cadaalad darro weyn oo xagga sharciga ah,” ayuu yiri Mr.Orengo.
Maxkamadda sare ayaa 5-tii bishan xaqiijisay in doorashadii madaxtinimo ee dhacday 9-kii bishii hore ay ku qabsoontay si sharci oo dastuuri ah.
James Orengo ayaa hoggaaminayay qareennadii matalayay hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio La Umaoja-One Kenya Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua.
Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati ayaa 15-kii bishii hore shaaciyay in hoggaanka ugu sarreeya wadanka loo doortay William Ruto oo ay wada tartameen Raila Odinga.