Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 100 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dib u xoreynta 20 deegaan

0
335

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka oo is kaashanaya ay Al-Shabaab ka xoreeyeen in ka badan 20 deegaan oo ku yaalla Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.
War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalladan lagu xoreeyay deegaannada saddex maamul lagu dilay in ka badan 100 ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab.
Dowladdu ayaa intaasi ku dartay in goobaha Al-Shabaab laga xoreeyay inay ahaayeen kuwo tacadiyo joogto ah loogu gaysan jiray dadka shacabka ah.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka dowladda ka soo baxay