Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa ka dhaxli doona dowladda xafiiska baneyneyso ee uu hogaaminaya Uhuru Kenyatta lacago deyn ah oo gaaraya 10 tirilyan oo shilinka dalka ah iyo mashaariic hakad galay, deymaha qandaraaslayaasha.
Arrintan ayaa caqabad degdeg ah ku noqoneysa madaxweynaha 5-aad ee Kenya, iyadoo laga filayo inuu isku dheelitiro howlaha dowladda iyo xallinta deymaha weli sii socda, iyadoo weliba hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahba ay ka digayaan in mashaariicda qaarkood loo baahan karo in la joojiyo.
Shacabka kenyaanka ah ayaa aad isha ugu haya in dowladda cusub ay sii wadi doonta amaahdii xukuumaddii ka horreysay iyo in kale.