Ruushka ayaa malaayiin madaafiic iyo gantaalo ah ka iibsanaya dalka Kuuriyada Waqooyi, sida ay sheegayaan warbixinno sirdoon oo laga helay Mareykanka.
Wargeyska The New York Times, oo markii ugu horreysay soo warisay iibsashada, ayaa sheegtay in warbixinnada aysan faahfaahin ka bixinin hubka saxda ah ama wakhtiga ama xajmiga shixnadaha.
Marka laga soo tago gantaallada riddada gaagaaban iyo madaafiicda, waxaa la filayaa in Ruushka uu isku dayo in uu mustaqbalka soo iibsado qalab dheeri ah oo ay Kuuriyada Waqooyi ay leedhahay, sida uu wargeysku sheegay, isagoo soo xiganaya sarkaal Mareykan ah oo aan magaciisa la shaacin.
Ruushka ayaa sii xoojiyay xiriirka uu la leeyahay dalal ay ka mid yihiin Kuuriyada Waqooyi iyo Iiraan tan iyo markii uu 24-kii bishii Labad ee sanadkan ku duullay wadanka dariska la ah ee Ukraine.