200 milyan oo ku bixi doonta dhaarinta madaxweynaha la doortay ee William Ruto

0
475

Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa lacag gaareysa 200 milyan oo shilinka dalka ah u qoondeysay xafladda dhaarinta madaxweynaha 5-aad ee Kenya William Ruto ee toddobaadka dambe.
Shalay ayay ahayd markii maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ay taageertay guushii uu ka gaaray doorashadii dhacday 9-kii bishii hore.
William Ruto ayaa hoggaanka xafiiska ugu sarreeya Kenya la wareegi doono 13-ka bishan, islamarkaana maalinkaasi xilkan loo dhaarin doono.
Maxkamadda sare ee dalka ayaa meesha ka saartay codsi uu gudbiyay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga kaas oo ka soo horjeestay ku dhawaaqista iyo gusha Ruto inuu yahay madaxweynaha la doortay.
Dastuurka wadanka lagu maamulo ayaa dhigaya in madaxweynaha la doortay la dhaariyo 7 maalmood ka dib maalin Talaado ah marka ay maxkamadda sare taageerto guusha doorashada.
Wasaaradda maaliyadda ayaa lacag u qoondeysay guddiga xilka u kala wareejinaya madaxweynaha xilka ka sii degaya Uhuru Kenyatta iyo midka cusub ee la doortay William Ruto.
Sharcigu waxa uu farayaa dowladda inay ku dhawaaqdo maalinta dhaarinta inay tahay maalin fasax qaran ah.
Sharciga ayaa sidoo kale qeexayaa wakhtiyada saxda ah ee dhaarinta ay dhacayso, taasoo muujineysa inta u dhexeysa 10-ka subaxnimo ilaa 2-da duhurnimo.