40 dalxiisayaal ah oo u dhashay dalka Jordan oo la qabtay iyaga oo ku tuugsanaya waddooyinka Mombasa

0
558

Booliska magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ayaa xabsiga dhigay 40 dalxiisayaal ah oo u dhashay dalka Jordan, ka dib markii lagu arkay waddooyinka magaaladaasi iyaga oo tuugsanaya.
Dalxiisayaashan ayaa la sheegay in Khamiistii lagu arkay waddooyinka Old Town iyo Suuqa Marikiti ee ismaamulka Mombasa si ay dhaqaale ugu uruuriyaan safarkooda caasimadda Nairobi.
Mr. Maxwell Agoro, oo ah taliyaha booliska ee deegaanka Mvita, ayaa xaqiijiyay xarigga dadkan ajaanibta ah.
Waxaa uu sheegay in booliska ay goobta tageen, ka dib markii ay xog ka heleen dadka deegaanka.
Ajaanibtan ayaa kala ahaa 19 qof oo dad waaweyn ah iyo 21 carruur, waxaana ay haysteen fiisaha dalxiiska oo sax ah, balse tuugsiga ayaa jabiyay shuruudaha ku qoran warqadaha safarka, taasoo keentay in la xiro, sida uu sheegay Agoro.
Waxaa uu taliyaha intaasi ku daray in baaritaanno horudhac ah oo la sameeyay lagu ogaaday in 40-ka qof ay ku sii jeedeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi si ay halkaasi ugu tuugsadaan oo u helaan lacagta safarkooda.
Ajaanibtan ayaa hadda loo gudbin doonaa xafiiska waaxda socdaalka ee wadanka.
Waxaa ay hadda ku xiran yihiin taliska booliska gobolka Xeebta oo su’aalo lagu weydiinayo.