DHAGEYSO:Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadlay wixii fashiliyay shirkii ra’iisul wasaaraha iyo midowga musharraxiinta

0
692

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sidoo kalena ka mid ahaa guddigii ka shaqaynayay isu keenida Xukuumadda dhexe ee Soomaaliya iyo Midowga Musharraxiinta ayaa ka sheekeeyay Marxaladihii uu shirku ku soo bilowday,Sidii u ku yimid iyo waxyaabihii fashilka ku keenay Wareegii Saddexaad ee shirkaasi.
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka qayb galay Barnaamij uu dadweynaha kula hadlayay aalada ClubHouse ayaa sheegay in isu keenida labada dhinac ay wakhti badan ka qaadatay islamarkaana ay dhinacyo kala duwan ka shaqeeyeen balse ka gun gaaridda wada hadalka ay Caqabado badan ku gudbanaayeen.
Taasoo uu sheegay inay qayb ka ahayd ka dib markii go’aan Qaadashada Xukuumaddu ay adkayd ayadoo meelo kale oo shirka ka baxsan Go’aanadu ay uga imaanayeen sida uu hadalkiisa u dhigay, taasoo inta badan Fashil ku keentay qoddobadii laga wada hadlayay ama la isku hayay.
Taliyaha hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayuu ku eedeeyay inuu lahaa doorka Fashilka Shirka wuxuuna eedaymo u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya iyo Taliska Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA