DHAGEYSO:Puntland oo sheegtay in la qabtay dadkii ka dambeeyay dil dhawaan wariye loogu geystay Gaalkacyo

0
523

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa sheegay inay Gacanta ku hayaan shakhsiyaad looga shakisan yahay dilkii Wariye Jamaal Aadan Faarax loogu geystay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Wuxuu sidoo kale Madaxweyne Deni amray Ciidamada amaanka inay laba jibaaraan howlgalada amaanka si gacanta loogu soo dhigo dadka dilalka iyo weerarrada ka gaysta deegaanada maamulkaas.