Qareennada u doodaya Raila, Ruto iyo IEBC oo loo qoondeeyay 3 saacadood midkiiba

0
461

Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ayaa midkiiba 3 saacadood u qoondeysay qareennada matalaya saddexda dhinac ee muhiimka ah, ee dacwadda la xiriirta natiijadii ka soo baxday doorashadii xilka madaxtinimo.
Waxaa ay saddex dhinac kala yihiin, qareennada kala matalaya musharrraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga, madaxweynaha la doortay William Ruto iyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.
Madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome ayaa sheegtay in 4-ta sarkaal ee sare ee ka tirsan guddiga IEBC ee ka hor yimid natiijadii uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddigan ay heli doonaan hal saac ay dacwadda natiijada madaxtinimo uga doodaan.
Waxaa 4-ta sarkaal ee IEBC hoggaamineyso guddoomiye ku xigeenka guddigan Julian Cherera.
Sidoo kale shakhsiyaadka soo gudbiyay dacwadaha kale ee la xiriira natiijada xilka madaxtinimo ayaa loo qoondeeyay muddo 30 daqiiqo oo ay arrinkan kaga doodaan.