Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa ku wargeliyay dhammaan dadka ku biiraya guddiga adeegga dadweynaha in laga doonaya inay ku caddeeyaan hantidooda muddo 30 cisho gudahood ka hor inta aysan xilkaasi qaban.
EACC ayaa maanta sheegtay in shaqaalaha ku biiraya guddiga adeegga dadweynaha in hantidooda ay soo badhigaan ay waafaqsan tahay qodobbada 26 iyo 27 ee xeerka anshaxa shaqaalaha dowladda.
Shakhsiyaadka aan u hoggaansamin amarkan ama soo bandhigo hanti been abuur ah ayaa wajihi karo xukun xabsi ah iyo ganaaxyo culus.
Qaybta 32-aad ee xeerka anshaxa ayaa waxa ku cad in qofkii aan uu hoggaansamin xeerarkan, lagu ganaaxayo lacag aan ka yareyn hal milyan oo shilinka dalka ah ama hal sano xabsi ah, haddii kalena uu labadaba muteysan doono.
Ogeysiiska guddiga EACC ayaa ku soo aadaya xilli tiro Kenyan ah ay ku biirayaan waaxda adeegga dadweynaha.
Shaqaalaha dowladda waxa uu sharcigu uga baahan yahay in ay soo bandhigaan dakhligooda, kaydka bangigooda iyo hantidooda sida dhulalka iyo dhismayaasha ay leeyihiin.
Waxaa sidoo kale laga doonaya inay soo bandhigaan hantida ay leeyihiin xasaaskooda iyo carruurtooda ka wayn da’ada 18 sano.