DHAGEYSO:William Ruto oo rajo wanaagsan ka muujiyay in maxkamadda sare ay si caddaalad ah u go’aamin doonto dacwadda natiijada madaxtinimo

0
563

Madaxweynaha la doortay ee dalka William Ruto, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ay si cadaalad ah ugu kala gar qaadi doonto isaga iyo kuwa ka soo horjeeda.
8 dacwadood oo looga soo horjeedo natiijada xilka madaxtinimo ayaa loo gudbiyay maxkamadda sare.
Waxaa uu dhanka kale guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka IEBC Wafula Chabukati ku ammaanay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.