Emani Business Centre, oo uu ku yaalla xarunta dhexe ee xisbiga talada dalka haya ee Jubilee ayaa la xaraashaya, sida ay maanta xayaysiisay shirkadda xaraashka ee Garam Investments.
Dhismahan oo ku yaalla hareeraha waddada Thika ee aagga xaafadda Pangani ee magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in la xaraasho 13-ka bisha soo socoto.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in lagu xaraashi doono, xarunta dhismooyinka xaraashta ee Garam ee deegaanka Westlands ee ismaamulka Nairobi.
Xisbiga Jubilee ayaa dhismahan oo ka kooban 7 dabaq kireystay sanadkii 2017-kii.
Xaruntan ayaa ahayd xudunta xisbiga Jubilee, iyadoo ee ku yaallaan xafiisyo muhiim u ahaa xisbigan oo uu hoggaamiyo madaxweynaha dalka ee xilka sii haya Uhuru Kenyatta.
Xisbiga Jubilee ayaa sidoo kale la sheegay in lagu yeeshay lacago kiro ah oo gaaraya malaayin shilin.