Muwaadin Nigerian ah oo dil ka geystay dalka oo xabsiga ku sii jiri doono

0
838

Eedeysana lala xiriirinaya dilka haweeney qareen ahayd ayaa xabsiga ku sii jiri doono muddo 14 cisho ah
Christian Kadima oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Nigeria ayaa maanta ka soo hor muuqday maxkamadda.
Garsooraha maxkamadda Bernard Kasavuli ayaa sheegay in xabsiga lagu sii haayo eedeysanaha si booliska baaritaanada u soo gabagabeeyaan.
9-kii bishaan ayey ahayd markii saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay gacanta ku dhigeen ninkan kaas oo lagu eedeynaya inuu ka dambeeyay dilka haweenay qareen ah oo caan ah oo ay wada deganaayeen deegaanka Syokimau ee ismaamulka Machakos.
Kadima ayaa la arkay isaga oo ka baxaya guriga haweeneyda maalintii khamiista ee toddobaadkii hore.
Meydka haweeneyda qareenka ah ayaa laga helay qolkeeda jiifka isla maalinkaasi.
Dacwadda ninkan loo haysta ayaa la dhageysan doona 25-ka bishaan.