Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday askari qof shacab ah dilay

0
1138

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaay xukun ku riday Nin lagu helay dambi ah inuu qof Shacaba ku diley Magaalada Muqdisho.
Cumar Muxudiin Maxamuud ayaa loo haystaa Dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Cabdullaahi Maxamed Xasan Abow, dilkaasoo ka dhacay degmada Boondheere gaar ahaan Ex Wasaaraddii hore ee Caafimaadka 20-kii September Sanadkii 2020.
Maalma kadib ayaa loo soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo awood u leh dhaqaajinta Dacwadda Eedeysanaha, waxayna isla xilligaasi weydiisteen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in loo gudbiyo Xabsiga Eedeysane Sedax Xarigle Xoogga Dalka Cumar Muxudiin Maxamuud garsuge ahaan.
Baaritaana dheer kadib 21-kii November Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysane Cumar Muxudiin Maxamuud, waxayna Maxkamadda aqbashay dhageysiga Dacwadda kowdii Decembber Sanadki ina dhaaftay.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda la yimid Sedax marag oo cadeeyay in Eedeysanaha uu dhac u geysanayay Marxuumka, Warqadda Cadeynta dhimashada iyo Gungaarka Baarista Boliiska oo ay sameeyeen saldhiga degmada Boondheere.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale soo bandhigay eedeymo hore oo ay Maxkamaddu u haysatay Eedeysanaha laakiin dhibanayaashii waagaas ay ka noqdeen Dacwaddii ay u heysteen kowdii June Sanadkii tegay.
Qareenada U dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo Naxariisto Eedeysannaha lagana qaado diyo.
Maxkamadda ayaa ugu dambeyn Cumar Muxudiin Maxamuud ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah Qasqaasta Marxuum Cabdullaahi Maxamed Xasan Abow.
Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-Cisho sida uu sheegay Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.