Muqdisho waxaa xalay kulan ku yeeshay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, Galmudug, Hir-Shabeelle,Koonfur Galbeed & Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, kulankaas oo looga hadlay arrimaha la xiriira muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.
Kulanka ayaa labada dhinac waxaay uga doodeen is mari waaga ka taagan arrimaha doorashada iyo go’aanki Xukuumadda, iyadoo Madaxweyne Lafta Gareen uu markii dambe qaatay door ku saabsan xalka arrimaha cakiran ee doorashooyinka dalka Soomaaliya si la isgu soo dhawaado Xalna looga gaaro.
Wararka kale ee kulanka laga helay ayaa waxaay sheegayaan in Madaxweynayaasha Mamul Goboleedyada ay ka dalbadaeen Midowga Musharaxiinta inay u soo gudbiyaan magacyada xubnaha Guddiyada doorashada lagu muransan yahay ee ay cabashada ka keeneen, hayeeshee shalay Musharax Daahir Geelle uu sheegay in sababo amni dartood aysan u gudbin doonin Magacyada xubnaha kujira Guddiga doorashada ee ay iyagu sheegayaan inay ka tirsan hay’ada Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA siday hadalka u dhigeen.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan inay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ka codsaday Midowga Musharixiinta inay la hadlaan Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland si ay u soo magacabaan Guddiyada doorashada ee aanay weli soo gudbin, si howlaha kala taagan la isugu soo dhoweeyo.
Go’aankii Xukuumadda Soomaaliya & Saddexda maamul Goboleed ee kala ah Galmudug,Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ay ku dhawaaqeen ee ahaa in doorashooyinka la bilaabo ayaa walaac badan abuuray, iyadoo midowga Musharixiinta, gudoomiyaha aqalka sare & siyaasiyiinta mucaaradka ay kasoo horjeesteen go’aankaas.