Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in dunidu si dirqi ah uga badbaaday waxa uu ku tilmaamay musiibo ka dhalata shuucaaca hubka nukliyeerka.
Hadalka madaxweyne Zelenskyy ayaa yimid ka dib warshadda lagu sameeyo hubka nukliyeerka ee dalka Ukraine ee saacado laga gooyay korontada maadaama xukuumadda Moscow lagu eedeyay inay halkaasi duqeymo culus ka fulisay.
Xarunta oo loo yaqaano Zaporizhzhia ayaa ah midda ugu wayn ee nukliyeerka ee qaaradda Yurub waxayna ku taalla magaallada Energodar ee dalka Ukraine.
Moscow ayaa eedeymaha loo soo jeediyay iska fogaysay, waxayna been abuur ku tilmaantay sheegashooyinka la xiriira inay warshadda nukliyeerka duqeysay.
Warshadda nukliyeerka Zaporizhzhia ayaa saacado ka dib korontada dib ugu soo laabatay.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in duqeymaha Ruushka ay sababeen dabka shalay ka kacay xarun tamarta dhuxusha laga soo saaro oo u dhow warashadda nukliyeerka Zaporizhzhia.
Mr. Zelenskyy ayaa ku eedeyay Ruushka inuu dadka Ukraine iyo guud ahaan reer Yurub uu geliyay xaalad khatar ah.