Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa ballanqaaday inuu ixtiraamayo go’aanka ka soo bixi doono maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ee ku aadan dacwadda natiijada xilka madaxtinimo ee loo gudbiyay.
Dr. Ruto ayaa ugu baaqay dhammaan hoggaamiyayaasha kale inay ixtiraamaan go’aamada hay’adaha sharciga ee gacanta ku haya arrimaha doorashooyinka.
Waxaa uu xusay in dadka Kenyaanka ah ay horay u muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay sii wataan noloshooda caadiga ah, iyadoo aysan wax carqalad ah jirin.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ugu baaqay madaxda siyaasadeed inay dhageystaan farriinta sare ee ka imaaneysa muwaadiniinta wadanka oo doonaya inay siyaasiyiinta iyo siyaasaduba noqdaan kuwo aysan kala qaybsanaan ka dhex jirin oo si nabad ah ku dhacda.
William Ruto ayaa hadalkan ka sheegay intii lagu guda jiray dhaarinta barasaabka cusub ee ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja oo ka dhacday xarunta shirarka caalamiga KICC ee caasimadda wadanka.
7 garsoore oo ay hoggaaminayso madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome ayaa haysta ilaa 5-ta bisha soo socoto si ay go’aan uga soo saaraan doorashadii dalka ka dhacda 9-kii bishan ee uu guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka IEBC Wafula Chebukati ku dhawaaqay in William Ruto xilka ku guuleystay.
Waxaana natiijada xilka madaxtinimo qaadacay hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio Raila Odinga.
8 dacwadood oo natiijada xilka madaxtinimo looga soo horjeedo ayaa maxkamadda sare loo gudbiyay.