Garyaqaan sare Axmadnaasir Cabdullahi ayaa ku andacooday in haddii maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ay amarto in dib lagu celiyo doorashada guud ee xilka madaxtinimo la qaban doono sanadka 2025 waa sida uu hadalka u dhigay qareenka.
Mr. Cabdullaahi ayaa ku eedeeyay madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga in aynan doonin in haddii doorashada madaxtinimo la amro in lagu celiyo, la qabto 60 cisho ka dib sida sharciga uu dhigayo, waa haddii maxkamadda sare soo saarto go’aan ah in doorashada aysan ku dhicin sifo sharci ah.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu ka dhawaajiyay in labada hoggaamiye ay soo saari doonaan baaq ah in dib u habeyn lagu sameeyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC, taas oo muddo dheer qaadan karto.
Garyaqaan sare Axmadnaasir Cabdullahi ayaa intaasi ku daray in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu had iyo jeer doonayay laba sano oo dheeraad ah.
If the Supreme Court orders a rerun,Kenyans will go the polls in 2025.H.E UHURU/Raila will not allow a rerun in 60 days.They will demand "Chebukati must go" and @IEBCKenya be reconstituted. Uhuru always desperately wanted 2 extra years. He will get it & fragile Kenya will shatter
— Ahmednasir Abdullahi SC (@ahmednasirlaw) August 25, 2022
Hadalka qareenka ayaa ku soo aadaya ka dib markii guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati uu 15-kii bishan shaaciyay in hoggaanka ugu sarreeya wadanka loo doortay William Ruto oo ay wada tartameen Mr. Odinga.
Raila Odiga oo qaadacay natiijada, ayaa dacwad uu arrikan uga soo horjeedo geeyay maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court.
Waxaana afar ka mid ah saraakiisa IEBC oo ay hoggaamineyso guddoomiye ku xigeenka guddigan ay natiijada xilka madaxtinimo dalka ku tilmaameen mid u gaar ah Chebukati.