Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu u hanjabay garsoorayaasha maxkamadda sare ee loo gudbiyay dacwadda looga soo horjeedo natiijada xilka madaxtinimo.
Xilli uu shalay ka qayb galay dhaarinta barasaabyada la soo doortay ee ismaamullada gobolka Nyanza ee kala ah Siaya, Kisumu iyo Homa Bay ayuu xusay in kaliya uu shacabka u sheegay waxyaabaha ay maxkamadda sare ka doonayaan.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay inuusan u hanjabin maxkamadaha, balse kaliya uu shacabka la socodsiiyay waxa ay tahay rabitaankooda.
Raila Odinga ayaa dhanka kale sheegay in dhibaatada dalka ka jirta ay tahay musuqmaasuq, islamarkaana aysan jirin qaab lagu aamini karo hoggaanka ugu sarreeya wadanka ee hoggaamiyayaasha lala xiriiriyay lunsashada kheyraadka dadweynaha.
Waxaa uu ugu baaqay taageerayaashiisa inay isdejiyaan, isaga oo sheegay in kooxdiisu ay hayaan caddeymo xooggan taas oo suuragelin doonta in maxkamadda sare daaqa ka tuurto guushii Ruto.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Maxaa ka jiro in Raila Odinga uu u hanjabay garsoorayaasha maxkamadda sare?