Faarax Macallin: Azimio waxay sameysay qalad wayn madaama aysan wakiillo u dirin gobollada Rift Valley iyo Mt. Kenya

0
856

Mudanaha dhawaan ku guuleystay kursiga deegaan baarlamaaneedka Dadaab ee ismaamulka Garissa Faarax Macallin ayaa eedeyn u jeediyay isbeheysiga Azimio la Umoja-One Kenya oo uu ka tirsan yahay, ka dib markii ay ku guuldareysteen in ay wakiillo u diraan xilligii doorashada goobaha codeynta ee ismaamullada ku yaalla gobollada Rift Valley iyo bartamaha dalka.
Xilli uu wareysi siiyay teleefishanka maxalliga ee Citizen, ayuu ku andacoodey in kooxda Azimio ay ahayd in ay maalgashi badan ku sameeyaan gobollada Mount Kenya iyo Rift Valley halkaas oo uu madaxa Kenya Kwanza William Ruto ku helay codadka ugu badan.
Faarax Macallin ayaa xusay in taasi ay keentay sheegashada ah in lagu shubto codadka deegaanno ka tirsan gobolladan, waxayna ka mid tahay dacwadaha la horgeeyay maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu rumaysan yahay in musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga uu ku guuleystay doorashadii ee 9-kii bishan wadanka ka dhacay.
Hasa ahaate kooxda Azimio ay ku guuldareysteen inay ilaaliyaan codadka uu hoggaamiyahooda ka helay labada gobol.
Faarax Macallin oo sidoo kale horraan soo noqday ku xigeenka guddoonka baarlamaanka Kenya ayaa xusay in kooxda isbeheysiga Kenya Kwanza ay fursad u heleen inay farageliyaan doorashadii dhacday.