Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga oo ay wehliyaan ku xigeenkiisa Martha Karua iyo madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa gaaray ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta.
Waxaa ay halkaasi u gaareen si ay ugu oleleeyaan musharraxa xisbiga ODM ee xilka guddoomiyaha ismaamulka Mombasa ee Cabdulswamad Shariif Naasir.
Doorashada xilalka guddoomiyaha ee ismaamullada Mombasa iyo Kakamega ayaa horraan labo jeer dib loo dhigay ka dib markii qaladaad lagu arkay magacyada iyo sawirrada musharrixiinta.
Waxaa qorshuhu yahay in 29-ka bishan ee doorashooyinkan dhacaan.
Musharrixiinta ayaa loo oggolaaday in 4 cisho ay ololahooda siyasaadeed sameystaan.
Waxaa uu dastuurka dhigaya in ololaha siyaasadeed ee doorashada la soo gabagabeeyo 48 saacadood ka hor xilliga codeynta.