DHAGEYSO:IEBC oo marin habaabin ku tilmaantay hadal uu Raila Odinga ka jeediyay Mombasa

0
464

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa hadal u jeediyay hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ku tilmaantay mid marin habaabin ah ee ku aadan doorashooyinka soo socda ee xilalka guddoomiyaha ismaamullada Mombasa iyo Kakamega.
Bayaan ay IEBC soo saartay ayay ku sheegtay inay shacabka ku wargelineyso in hadalladii uu jeediyay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ee la xiriira kaalinta guddoomiyaha guddigan ee labada doorasho ee barasaabnimo ee la qorsheeyay inay dhacaan 29-ka bishan ay yihiin kuwo marin habaabin ah.

Tani ayaa timid ka dib markii Raila uu sheegay in guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati uu iska casilo maareynta doorashooyinkan, isagoo ku eedeyay cadaalad darro.
Xilli uu ku sugnaa magaalada Mombasa halkaas oo uu ololeynayay musharraxa guddoomiyaha ismaamulkaasi Cabdulswamad Shariif Naasir, ayuu Raila sheegay in guddoomiye ku xigeenka IEBC Juliana Cherera ay tahay inay kormeerto doorashooyinkaasi.
Raila ayaa taageerayaasha ismaamulka Mombasa ugu baaqay inay si wayn ugu soo baxaan doorashada xilka guddomiyaha ee dowlad deegaankaasi oo ay codeeyaan musharraxa xisbiga ODM.