Shakhsi sheegay inuu caddeymo u haayo in 56 qof ay jabsadeen hannaanka doorashada ee IEBC

0
543

Mid ka mid ah shakhsiyaadka u dhaqdhaqaaqa la dagaalanka musuqmaasuqa oo lagu magacaabo John Mark Githongo ayaa ka hor yimid natiijadii ka soo baxday doorashadii xilka madaxtinimo.
Waxaa uu sheegay in wax isdabamarin ay hareeyeen doorashada, si fursad loo siiyo William Ruto, islamarkaana caddeynta markhaatiga uu u gudbiyay maxkamadda.
Mr. Githongo ayaa ku andacoonaya in uu caddeymo ka haysto shakhsi daaha ka qaaday macluumaad qarsoodi ah oo sheegaya in natiijada si been abuur ah loogu badiyay madaxweynaha la doortay ee William Ruto.
Sida uu sheegayo Githongo, ninka oo cabsi ay ka muuqatay ayaa daaha ka rogay sida uu doorashada ugu guuleystay William Ruto iyo sida loo sameeyay.
Dacwadda maxkamadda uu u gudbiyay Githongo ayaa ku cad in ninkan uu muujiyay faahfaahin naxdin leh oo ku saabsan sida isaga iyo kuwa kale ay ugu lug lahaayeen qorshe ballaaran oo been abuur ah oo si wanaagsan loo soo agaasimay taas oo u sahashay in kooxda Kenya Kwanza ay farageliyaan nidaamka gudbinta xogta doorashada ee IEBC.
Waxaa uu xusay in ninka uu sheegtay inuu xubin ka yahay koox ka kooban 56 qof oo la soo ururiyay si ay u xaqiijiyaan guul been abuur ah oo lagu daneynaya William Ruto.
10 qof oo ka mid ah 56-da shakhsiyaad ayaa ahaayeen kormeerayaal, halka 46 kalena la siiyay hannaankii ay u beddeli lahayeen natiijada.
Waxaa loo igmaday inay gacanta ku dhigaan Foomka doorashada 34A iyo qalabka codbixinta digitaalka ee KIEMS, si ay dib u eegis ugu sameeyaan ka dibna ku daabcaan shabakadda IEBC.
Dennis Itumbi, Morris Mutegi, Davis Chirchir, Jackson Kandi, Baby Serge iyo Kibyegon ayaa waxay ka mid ahaayeen 56-da kormeerayaal ee matalayay Ruto.