Waxaa ay maanta ku beegan tahay xilligi dalka Ukraine ay madax bannaanida ka qaadatay xukunkii midowgii Soviet ee uu hoggaaminayay Ruushka.
Ukraine ayaa sanadkii 1991-dii noqotay dowladda ka madax bannaan midowgii Soviet.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ka digay khatarta duqeymaha naxariis darrada ah ee Ruushka.
Waxaa uu sheegay in weerar kasta ay kaga falcelin doonaan jawaab adag.
Ruushka ayaa dalka dariska la ah ee Ukraine ku duullay 24-kii bishii labaad ee sanadkan.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka Ukraine ayaa maalmo ka hor ka digay, in Moscow laga yaabo inay isku daydo wax aad u fool xun ka hor maalinta madax bannaanida Ukraine oo maanta ku beegan.