Rakaab ku geeriyooday diyaaradda shirkadda Kenya Airways

0
436

Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa xaqiijisay geerida qof rakaab ah oo la socday mid ka mid ah duullimaadyadeeda, kaas oo ka soo ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Bayaan ay soo saartay KQ ayaa lagu sheegay in rakaabka uu ku xanuunsaday hawada, taas oo ku qasabtay diyaaradda inay u leexato magaalada Casablanca ee wadanka Morocco si ay xaalad caafimaad oo degdeg ah loo siiyo rakaabka.
Bukaanka si kastaba ha ahaatee waxaa la xaqiijiyay inuu dhintay markii dalka Morocco la gaaray.
Kenya Airways ayaa shaacisay in markii ay soo gaareen magaalada Casablanca, shaqaalaha caafimaadka ee garoonka waxay la kulmeen rakaabka oo miir daboolan, waxaana la xaqiijiyay inuu dhintay.