Markii uu Ruto khadka taleefoonka kula hadlay Raila muxuu ku dhahay?

0
514

William Ruto oo maanta ku guuleystay doorashadii 9-kii bishan ka dhacday dalka loona doortay madaxweynaha 5-aad ee Kenya ayaa warbaahinta la hadlay markii ugu horreysay tan iyo markii la doortay.
Waxaa uu ka hadlay xilliga kalaguurka.
“Waan hubaa in madaxweynaha hadda xilka haya iyo aniga aan wada hadli doono caawa fiidkii ama malaha berri subax” ayuu yiri Ruto
Waxaa uu sidoo kale shaaca ka qaaday inuu saaka taleefoonka kula hadlay Raila Odinga.
“Maadama aan ahay qof dimuqraadi ah malaha waa in aan shaaca ka qaadaa in aan saaka wacay ninka ila tartamayay ee Raila Odinga.”
“Waxaan ku heshiinay inaan wadahadal yeelano dhinac kasta oo ay natiijadu u dhacdo.”
“Waan hubaa inuu doorkiisa arrintaa ka qaadan doono si uu dalkan horay ugu dhaqaaqo.”