24 sano oo a ka soo wareegtay markii uu ururka Al-Qaacida qaraxyo ku weerarray safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Daresalam

0
308

Waxaa maanta la xusaya sanadguuradii 24-aad ee ka soo wareegatay weerarradii sanadkii 1998-dii lagu qaaday safaaradihii Maraykanka ee magalooyinka Nairobi ee Kenya iyo Daresalam oo ku taalla dalka Tanzania
Weerarradaasi waxaa ku nafwaayay in ka badan 200 qof halka ilaa 5,000 oo ruux ay ku dhaawacmeen.
44 ka mid ah dadkii weerarkaasi ku nafwaayay ayaa ahaa shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Nairobi.
24 sano oo ka soo wareegtay khasaarihii ka dhashay weerarradaasi oo la xusayo maanta ayaa reebtay saameyn xoog leh.
Waxaa weerarkii Nairobi ka dib ee isla maalinkaasi xigay mid kale oo laga fuliyay magaalada Daresalam ee Tanzania oo ay ku dhinteen 11 qof.
Safiirka Maraykanka ee Kenya Meg Whitman ayaa waxay ka mid tahay madaxda maanta xusayo weerarkaasi oo ay argagixisada gaysteen islamarkaana dadka badan ku dhinteen.
Weerarradii 1998-dii lagu qaaday safaaradihii Maraykanka ee magalooyinka Nairobi iyo Daresalam ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen kooxda Al-Qaacida.