Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee (IEBC) ayaa shalay sameeyay codeyn tijaabo ah.
Waxaa arrintan ka qayb qaatay dhammaan saraakiisha sar sare ee guddiga iyo qaar ka mid ah shaqaalaha IEBC.
Tani ayaa looga gol-lahaa in qofka codbixiyaha ah lagu fahansiiyo sida uu codkiisa u dhiiban doono 9-ka bishan.
Boya Mulu oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee IEBC ayaa sheegay in barnaamijkan ay ku wacyigelinayeen dadweynaha.
Waxaa ugu horreeyay oo codkiisa si tijaabo ah u dhiibtay guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ,Wafula Chebukati.
Laga billaabo 6-da subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo ee berri ayay Kenyaanka codadkooda ka dhiiban doonaan in ka badan 46,000 oo ah goobaha codbixinta.
The Commission led by Chairman Wafula Chebukati demonstrated the voting process at a polling station @Bomasofkenya to sensitise the public on what is required on voting day for voter identification and how to vote during the General Election on Tuesday, August 9th #GE2022 pic.twitter.com/vXWhG6Yamc
— IEBC (@IEBCKenya) August 7, 2022