Maxkamadda sare oo amartay in guddiga IEBC uu sidoo kale isticmaallo diiwaanka caadiga ee doorashada

0
500

Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta go’aan ka soo saartay in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uu xilliga doorashada ee 9-ka bishan adeegsan karo keliya diiwaanka dijitaalka ee codbixinta ee KIEMS.
Waxaa ay maxkamadda amartay guddiga IEBC inuu sidoo kale adeegsado diiwaanka caadiga ah ee codbixiyeyaasha.
Garsooraha maxkamadda sare Mugure Thande oo go’aankan soo saaray ayaa meesha ka saaray in keliya guddiga IEBC u adeegsado diiwaanka dijitaalka ee KIEMS .
Waxaa uu garsooraha xusay in go’aankii ay horraan qaadatay IEBC uu yahay mid jabinaya qodobbada cad ee dastuurka kaas oo dhigaya in haddii aaladda elektaroonigga ah ee lagu aqoonsan waayo codbixiyaha la adeegsado diiwaanka caadiga ah ee codbixiyeyaasha.
Qareenka matalaya IEBC Edwin Mukele ayaa maxkamadda ka codsaday in la siiyo go’aanka ay soo saartay oo daabcan ka hor duhurnimada maanta, si guddiga uu qaado tallaabada xigta ka hor maalinka codeynta ee 9-ka bishan.
Horraan ayay ahayd markii musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja- One Kenya ,Raila Odinga uu ka soo horjeestay go’aanka guddiga IEBC ee ah in keliya la adeegsado diiwaanka dijitaalka ee codbixinta ee KIEMS.
Waxaa uu dalbaday in sidoo kale goobaha codbixinta lagu diyaariyo diiwaanka caadiga ah ee codbixiyeyaasha si haddii qalabkan casriga ah uu shaqeyn waayo midka kale loogu baxsado.