IEBC oo kenyaanka u xaqiijisay inay si buuxda ugu diyaar garowday maareynta doorashada guud

0
315

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa kenyaanka u xaqiijiyay inuu si buuxda ugu diyaar garoobay maareynta doorashada guud ee dhacaysa 9-ka bishan Siddeedaad.
Guddoomiye ku xigeenka IEBC ,Julianna Cherera ayaa laga soo xigtay in warqadaha codbixinta ee xilka madaxtinnimo qaybtooda ugu dambeysa wadanka la keeni doono berri.
Waxay xaqiijisay inaysan jirin warqado codbixin oo dheeraad ah oo la daabacaya.
Cherera oo shir jaraaid ku qabatay xarunta Bomas ee magaalada Nairobi ayaa xustay in geeddisocodka doorasho uu noqon doono mid daahfuran.
Waxay intaasi ku dartay in khuburrada dhanka tiknolojiyadda macluumaadka oo matalayay xisbiyo kala duwan loo oggolaaday inay galaan xarumaha lagu diyaariyay qalabka codeynta ee KIEMS .