Safiirka cusub ee Maraykanka oo dalka timid

0
335

Waxaa shalay wadanka soo gaartay Margaret Whitman oo uu bishii Diseembar ee sanadkii hore madaxweynaha Maraykanka Joe Biden u magacaabay inay xukuumadda Washington halkan safiir uga noqoto.
Xilkan ayay kala wareegaysa Kyle McCarter oo safiir loo magacaabay xilligii maamulkii Donald Trump.
14-kii bishi Toddobaad ee sanadkan ayay ahayd markii senatarrada Maraykanka ay si aqlabiyad leh ugu codeyeen in Whitman ay noqoto danjiraha Maraykanka ee Kenya.
Sanadkii 2014-kii ayay ahayd markii haweeneydan ay nambarka 20-aad ka gashay liiska 100-ka haween ee ugu awoodda badan caalamka ee liiska majallada ganacsiga ee Forbes .
Waxay Whitman haysataa shahaadada Masters oo ay ka qaadatay kulliyadda ganacsiga ee Jaamacadda Harvard .