Maxkamadda sare ee dalka ayaa la filayaa inay maalinta Khamiista ah go’aan ka soo saarto in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uu xilliga doorashada ee 9-ka bishan adeegsan karo keliya diiwaanka dijitaalka ee codbixinta ee KIEMS.
Qalabkan elektorooniga ah ayaa fududeynaya in la aqoonsado qofka codbixiyaha ah iyadoo la baaraya macluumaadkiisa.
Kooxo badan oo u ololeeya maamul wanaagga ayaa horay uga soo horjeestay go’aanka guddiga IEBC ee ah in la adeegsado agabkan.
Waxay dalbanayaan in sidoo kale goobaha codbixinta lagu diyaariyo diiwaanka caadiga ah ee codbixiyeyaasha si haddii qalabkan casriga ah uu shaqeyn waayo midka kale loogu baxsado.
Hasa ahaate qareenada matalaya guddiga doorashooyinka ayaa ku doodaya in markii go’aankan la qaadanayay lagu saleeyay xeerarka dastuuriga ee dalka.
Kooxo gaaraya toddobo ayaa doonaya in maxkamadda sare ay guddiga doorashooyinka ku qasabto inuu goob walbo oo ay codeynta ka dhacayso uu ku diyaariyo diiwaanka caadiga ah.
Horraantii bishii Toddobaad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxa fulinta ee IEBC Xuseen Marjan uu sheegay in diiwaanka tooska ah ee codbixiyeyaasha la adeegsan doono marka saddex kala duwan oo ah qalabka elektoroniga ee KIEMS aynan suurtagelin in la aqoonsado codbixiyaha.
Home Wararka Kenya Maxkamadda sare oo Khamiista go’aan ka soo saaraysa isticmaalka diiwaanka caadiga ee...