DHAGEYSO:Qaar ka mid ah waalidiinta oo ka walacsan in dugsiyada maanta la xiraya

0
372

Qaar ka mid ah waalidiinta iyo macallimiinta dalka ayaa walaac ka muujinaya in aan la siin fursad ku filan oo ay ugu diyaar garoobi karaan xiritaanka dugsiyada ka hor codeynta guud.
Waxay sheegayaan in xita haddii arrintan la shaacin lahaa Jimcihii waalidiinta ay nooli u soo diri lahayeen carruurta.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa soo saaray amar ah in dugisyada wadanka la xiro maanta oo ay taarikhdu ku beegan tahay 2-ad bisha Siddeedaad ee August, madaama wadanka doorasho guud ay ka dhacaysa hal toddobaad ka dib.
Ardayda ayaa galaya fasaxa dhexe ee gaabaan ee sanad dugsiyeedka labaad ee waxbarashada, iyagoo guryaha ku sugnaan doona ilaa 10-ka bishan.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in goobaha tacliinta dib loo furi doono 11-ka bishan, xilligaasi oo ay ardayda ka soo laabanayaan fasax gaabaan.
Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in haddii ay dhacdo in doorashada lagu celiyo in la sameyn doono wada tashi ku saabsan in ardayda ay sameyn doonaan imtixaannada iyo in kale.
Maalin ka hor ayay ahayd markii uu wasiirka sheegay in dugsiyada dalka la xiri doono 6-da bishan in kastoo taariikhdaasi dib u eegis lagu sameeyay.