In kastoo ay dowladda dhexe horay u shaacisay inay qiimaha lagu iibinaya waxyaabaha laga soo saaro galleyda sida booshada ay ku jaangoysay 100 shilin, haddana qaar ka mid ah dadweynaha ayaa ka cabanaya in weli badeecadan looga iibinaya qiimihii hore.
Dadweynaha ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay arrintan wax ka qabato.
Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka , Peter Munya ayaa sheegay in ganacsatada ay ku qaldan yihiin inay weli adeegsadaan qiimihii hore .
Waxaa uu xusay inay jiraan qaar ka mid ah shirkadaha galleyda shiida oo dallagan qarinaya si ay qiimo sare uga sii iibiyaan dadweynaha.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in maanta la billaabaya howlgal ka dhan ah shakhsiyaadka aan u hoggaansamin amarkii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.