DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo beeniyay eedeyn uga timid ku xigeenkiisa

0
664

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa iska fogeeyay eedeyn uga timid ku xigeenkiisa William Ruto oo ahayd inuu doonayo inuu dilo.
Xilli uu si rasmi ah u furayay waddada wayn ee Nairobi Expressway ayuu Mr. Kenyatta sheegay in William Ruto uu saddexdii sano ee la soo dhaafay aflagaadeynayay oo uu iskaga aamusnaa.
Hoggaamiyaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in hadda oo muddo xileedkiisu uu gabagabo maraya uunan hayn waqti uu ku dhibaateeyo ku xigeenkiisa sida uu ku andacooday.
Waxaa uu madaxa xisbiga UDA u sheegay inuu diiradda saaro ololihiisa siyaasadeed oo uu faraha ka qaado.
Mr. Kenyatta oo kenyaanka ugu baaqay inay midnimada iyo nabad galyada ku dadaalaan ayaa dhanka kale xusay inuu xoogga saarayo dhameystirka waajibaadkiisa shaqo ee dastuuriga ah.

Hadalka hoggaamiyaha dalka ayaa ku soo beegmaya maalin un ka dib markii madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto uu u jeediyay eedeyn ah inuu u hanjabayo.