DAAWO:Junet Maxamad oo iska fogeeyay cod lagu faafiyay baraha bulshada

0
553

Xoghayaha guud ee isbeheysiga Azimio la Umoja- One Kenya ahna xildhibaanka deegaanka bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad ayaa iska fogeeyay cod lagu faafiyay baraha bulshada.
Tani ayaa timid ka dib markii la helay cod la sheegay inuu yahay midka xildhibaanka oo la maqlaya isagoo qof kale kala hadlaya isu keenidda mas’uuliyiinta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha ee IEBC si ay kulan heer sare ah ula yeeshaan shakhsiyaad uunan magacaabin.
Hasa ahaate qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu Junet Maxamad ku sheegay in codkaasi uu yahay mid la farsameeyay oo waxba kama jiraan ah.
Waxaa uu ku tilmaamay iskuday aan niyad-sami ku saleysnayan oo ay sameyeen shakhsiyaad isaga ka soo horjeeda.
Siyaasigan ayaa dadweynaha ugu baaqay inay arrintaasi iska dhaga tiraan.
Bayaanka waxaa ku cad in Junet Maxamad uu ku mashquulsan yahay ololaha siyaasadeed ee Azimio sidaas awgeedna uunan waqti u hayn qorsheynta doorasho lagu shubto.
Xildhibaanka ayaa hay’adaha dambi baarista ka codsaday inay arrintan baaritaan degdeg ah ku sameyaan oo ayna cadaaladda hor keenaan kuwa ka dambeeya.

Hoos ka daawo codka lagu faafiyay baraha bulshada: