Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa Mike Kuria u magacaabay madaxa cusub ee fulinta ee guddiga tacliinta sare (CUE).
Kuria ayaa beddelaya Mwenda Ntarangwi oo uu qandaraaskiisa shaqo ku egyahay 4-ta bisha Sagalaad ee sanadkan.
Mike Kuria ayaa madaxa fulinta ee guddiga tacliinta sare ahaan doono muddo 5 sano ah.
Isbeddelkan cusub waxaa bayaan ku shaaciyay guddoomiyaha guddiga CUE Chacha Nyaigotti .
Nyaigotti, ayaa laga soo xigtay in 49 qof ay codsiyo soo dirsadeen balse 15 ay isugu soo hareen turxaan bixinta oo laga soo xushay Kuria.