Madaxa cadaaladda dalka Martha Koome ayaa isbeddel ku sameysay garsoorayaal ka howlgelayay maxkamado kala duwan.
Tani ayaa timid ka dib markii qaar ka mid ah xaakiinnada maxkamadda sare ay ku biireen maxkamadda racfaanka.
Garsoore Mugure Thande, ayaa laga wareejiyay qaybta arrimaha qoyska waxaana la geeyay qaybta arrimaha dastuurka ee xuquuqul insaanka oo ay ka shaqeyn doonto laga billaabo 1-da bisha Siddeedaad.
Sidoo kale garsoore Grace Nzioka ayaa laga billaabo 15-ka bisha Sagalaad hoggaamin doonto maxkamadda Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Waxay Grace ka howlgalaysay qaybta dhageysiga kiisaska falal dambiyeedyada ee maxkamadda sare.
Garsoore Kanyi Kimondo ayaa laga soo qaaday maxkamadda Murang’a wuxuuna beddelay Grace Nzioka.
Garsoore Antony Mrima oo ka shaqeynayay qaybta arrimaha dastuurka iyo xuquuqul aadanaha ee maxkamadda sare ayaa loo wareejiyay maxkamadda sare laanteeda magaalada Kitale ee ismaamulka Trans Nzoia.