Waxaa uu qorshuhu yahay in 4-ta galabnimo ee maanta ay xarunta Jaamacadda Catholic University ee bariga Afrika ee xaafadda Karen magaalada Nairobi ka billaabato dood loo qabanaya musharraxiinta xilka madaxweynenimo.
Ugu yaraan 23 ka mid ah wakiillada dalalka shisheeye iyo hay’adaha caalamiga ah sida Maraykanka, Ingiriiska iyo qaramada midoobay ayaa goobjoog u ahaan doono doodda oo soconaysa ilaa 10-ka habeenimo.
Madaxa xoghaynta doodda madaxweynenimo Mr Clifford Machoka ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu sheegay in sidoo kale danjirayaasha waddamada Jarmalka , Ukraine,Switzerland, Algeria, Argentina ,Congo, Costa Rica, Ethiopia, Finland, Jordan, Korea, Malaysia, Netherlands, Portugal, Qatar, Romania, Senegal, Sierra Leone, South Africa, Sweden iyo Australia ay xaqiijiyeen inay iska xaadirin doonaan goobta lagu qabanaya doodda.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa afar musharrax u ansaxiyay u tartamidda hoggaanka ugu sarreeya wadanka.
Musharraxiinta loolanka hoggaamineed uu ka dhexeyn doono 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ayaa kala ah Raila Odinga, William Ruto, George Wajackoyah iyo David Waihiga Mwaure.
Doodda ayaa loo qaybiyay labo qaybood waxaana inta u dhexeysa 4-ta galabnimo ilaa 7.30 fiidnimo la doodsiin doonaa Wajackoyah iyo Mr Mwaure in kastoo uu musharraxa xisbiga Roots horay ugu hanjabay inuu keliya la doodayo Raila iyo Ruto.
Guddiga qabanqaabada ee doodda ayaa qorsheeyay in 8-da fiidnimo ilaa 10-ka habeennimo ay dood dhex marto William Ruto iyo Raila Odinga.
Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto ayaa xaqiijiyay inuu iska xaadirin doono goobta ay doodda ka dhacayso halka Raila uu qaadacay in kastoo aan la ogeyn in go’aankiisi hore uu is-beddelaya iyo in kale.
Guddiga doodda qabanaya ayaa shalay xaqiijiyay in barnaamijkan sidii loogu talagalay uu u bixi doono xita hadii uunan Raila Odinga ka qayb gelin.