DHAGEYSO:William Ruto oo Raila ku dhaliilay hadal uu jeediyay

0
402

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ku dhaliilay hadal uu jeediyay.
Raila ayaa sheegay inuu madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta kala hadlay hoos u dhigidda qiimaha burka iyo waxyaabaha laga soo saaro galleyda.
Hasa ahaate Ruto ayaa Raila weydiiyay sababa uu sidan u sameeyay 18 cisho ka hor xilliga doorashada guud oo uunan tallaabadan u qaadin afar sano oo ay isaga iyo madaxweynaha dalka aad isugu dhawaayeen.
William Ruto ayaa maanta isku soo bax siyaasadeed ku qabanaya ismaamulka Lamu ee gobolka Xeebta isagoo dowladda ku eedeyay inay mas’uul ka tahay sare u kaca qiimaha maciishadda ee jira.
Waxaa uu ka hadlay arrimaha dekadda Mombasa oo uu xusay in haddii hoggaanka wadanka uu qabto uu go’aan ka qaadan doono.

Barasaabka ismaamulka Kilifi Amason Kingi ayaa dhankiisa ka hadlay inay jiraan dhallinyaro badan oo ka shaqeynayay dekadda Mombasa oo ay shaqo la’aan ku dhacday.