Booliska Kisii oo baaraya dibadbax lagu dhaawacay 6 sarkaal oo boolis ah

0
320

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Kisii ayaa guda galay baaritaano ku saabsan dibadbax halkaasi ka dhacay si loo xaqiijiyo cidii soo abaabushay.
Waxaa mudaharaadka ku dhaawacmay 6 ka mid ah ciidamada booliska ee dowlad deegankaasi.
Dibadbaxa ayaa lagu dalbanayay in la beddelo saraakiisha guddiga IEBC ee Kisii oo ay dadweynaha ku andacoonayaan inay muddo dheer halkaasi ka shaqeynayeen.
Dhaawaca soo gaaray ciidamada booliska waxaa xaqiijiyay guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Kisii Allan Macharia oo xusay in ilaa iyo hadda uunan jirin qof loo soo xiray dibadbaxa.