Shirkadda IMLU oo doonaysa in shaqada laga joojiyo taliyaha booliska Nakuru

0
313

Shirkadda madaxa bannaan ee bixisa adeegyada sharciga ee dhanka caafimaadka sidoo kalena ka shaqeysa arrimaha xuquuqul aadanaha ee IMLU ayaa doonaysa in si degdeg ah shaqada laga istaajiyo taliyaha booliska ee ismaamulka Nakuru Peter Mwanzo.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dhawaan Nakuru lagu dilay afar qof oo rag ah.
Taliyaha ayaa sheegay in afarta qof ay ka mid ahaayeen kooxda ‘Confirm’ oo falal amni darro halkaasi ka gaysatay.
Dowladda dhexe ayaa dhankeeda sare u qaaday howlgallada amni ee ka dhanka ah kooxaha burcadda ee dhibaateeya dadweynaha ku nool ismaamulka Nakuru.
Hasa ahaate IMLU ayaa dalbanaysa in Peter Mwanzo si ku meel gaar ah shaqada looga fasaxo si baaritaano loogu sameeyo.
Agaasimaha fulinta ee shirkaddan Peter Kiama, ayaa hoosta ka xarriiqay in taliyaha uu qaadanaya mas’uuliyadda dilal saraakiisha ammaanka lagu eedeyay inay Nakuru ka fuliyeen.
Kiama ayaa maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee (IPOA) iyo waaxda arrimaha gudaha ee wasaaradda amniga ka codsaday inay baaritaano dhameystiran ku sameyaan dilal ka dhacay ismaamulkaasi.
Taliyaha booliska Nakuru ayaa dhankiisa gaashaanka u daruuray baaqa IMLU wuxuuna sheegay in cidii ka soo horjeedda howlgallada amni ay tahay mid difaacaysa burcadda.
IMLU ayaa intaasi ku dartay in intii u dhexeysay sanadihii 2020 iyo 2021 ay diiwaangeliyeen kiisas dilal ah oo gaaraya 115 kuwaasoo ay u tiirinayaan booliska.
Waxay shirkaddu shaacisay in dilalka la diiwaangeliyay sanadkii hore ay ka dhaceen 59 ka mid ah saldhigyada booliska ee 25 ismaamul.