Qaar ka mid ah dadka ka soo barakacay tuulooyinka hoos yimaado magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabeelle oo ay abaartu saameysay ayaa kaam cusub ka sameystay gudaha magaaladaasi.
Qoysaskan ayaa gaaraya ilaa 250 qoys, iyagoona xeradan deggan wax ka yar 3 toddobaad.
Waxaa ay intooda badan ka soo barakaceeen tuulooyinka u dhow magaalada Jowhar, ka dib markii xoolahoodi ay ka laaysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Barakacayaasha ayaa waxay dantu ku kaliftay inay u soo guuraan gudaha magaalada Jowhar, islamarkaana aynan haysan dad halkaasi ku soo dhaweeyo.
Dadkan ayaa waxay deggan yihiin cooshah ka sameysan bacyo caadi ah iyo waliba dhar la nacay.
Qaar ka mid dadka barakacayaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa codsaday inay helaan bacooyin iyo mar kaneecooyin, si isaga celiyaan dhexanta iyo Kinaacada
Guddoomiyaha xerada ay ku jiraan barakacaayaashan, Cabdiqaadir Axmad Faroole ayaa sheegay in dadkan ay u baahan yihiin wax qabad degdeg ah islamarkaana aynan haysan cunid iyo cabid.